Buufinta Guryaha
Shirkada buufinta guryaha beeraha iyo hottelada waxay kugu dhawaynaysa gacmo furan macmiil waadku mahadsan tahay sidaad nooguso booqatay bogeena aanku leenahay website ka ogaal pest kill and control
Hadaba macmiil Buufinta guryaha waxa lagaa Buufinaya dhamaanba cayayaanka kala Duwan sida Tukhaanka,Baranbarta,kaneecada,jiirka,Tafkida,qirinqiirka,
Iyadoo loo isticmaalayo dhamaantod Dawooyinka loogu Tala galay mid walba ku haboon
Tukhaanka
Marka u nimaadno Tukhaanku waa 2laba nooc mid waa ugxaanta uu dhalo oo moorsan wuxuuna ku dhajiyaa meelaha qarsoon sida jeexjeex yada gidaarada guriga siliigyada sariiraha looxaanta
Halka midka 2baadna uu yahay kan isagu dhalay ugxaanta waana ka dadka cuna inta badan
Hadaba kan ugu xun ee inta badan aanla dagaalano ayaa ah ugxaanta wayna ka dhib badan tahay kan waawayn sidaa darteed guriga waxaa la xidhaa 3days
Baranbarta
Baranbartu waa waxay u kala baxdaa laba nooc waa mida waawayn oo inta badan ka dhalata suuliyada iyo Bulaacadaha
Mida 2baad iyana waa mida yaryar ee inta badan gasha guriga dhexdiisa kijada,dharka,
Iyada marka labuufiyo waxay kugu qaadanaysa saaacado ama 1maalin markay ugu badan tahay
Kaneecada
Inta badan kaneecadu waxay dhalataa xilliyada Roobabka iyo qabowga waxayna ka dhalata Biyaha fadhiista iyo meelaha dhirta badan oy gabaadka dhigato Buufintu waxay qaadata saacado kooban
Waaana la waaya xilliyada dabaylaha Xoogani socdaan sida dabayl xagaada
Jiirka
Jiirku inta badan waa mid ka yimaada Guriga hareerihiisa ama guriga dhexdiisa
Jiirku waxa uu leeyahay sun kala Duwan iyo Qalab yaryar oo loo adeeg sado qabadhadiisa waxa ugu muhiimsan waxyaabaha aan sunta ahayn ee lagu qabto shabaqa,xabagta

Comments
Post a Comment